Shiinaha ayaa ku dhawaaqay inuu ka fogeeyay markab dagaal oo Maraykan ah meel u dhow jasiiradaha Scarborough

Milatariga Shiinaha ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqay inuu la socday isla markaana ka fogeeyay markab dagaal oo Maraykan ah oo soo galay meel u dhow jasiiradaha Scarborough ee Badda Koonfureed ee Shiinaha, taas oo ah marin biyo muhiim ah oo leh dhaqdhaqaaq maraakiib badan.

13 August, 2025

Ciidamada badda ee Maraykanka ayaa sheegay in hawlgalka ay fuliyeen uu waafaqsan yahay qodobada sharciga caalamiga ah.

Tani waa hawlgalka milatari ee ugu horreeya ee Maraykan oo si cad loogu shaaciyo gobolka muddo ugu yaraan lix sano ah, waxaana uu yimid maalin kadib markii dalka Filibiin uu ku eedeeyay maraakiib Shiinaha inay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo halis ah iyo faragelin sharci-darro ah.

Taliska howlgalada koonfureed ee ciidamada Shiinaha ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in markabka dagaalka ee Maraykanka “USS Higgins” uu galay biyaha gudaha ee jasiiradda isagoo aan haysan ogolaanshaha dowladda Shiinaha, taasoo ay ku tilmaameen inay tahay xadgudub halis ah oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo amniga Shiinaha, isla markaana khatar weyn ku ah nabadda iyo xasilloonida Badda Koonfureed ee Shiinaha. Waxay sidoo kale ku adkeeyeen inay mar walba ku jiri doonaan feejignaan buuxda.

Dhanka kale, ciidamada badda ee Maraykanka, gaar ahaan Cutubka 7aad, ayaa sheegay in markabka “USS Higgins” uu ku jiray hawlgal lagu fulinayo xuquuqdiisa iyo xorriyadda marin-biyoodka meel u dhow jasiiradaha Scarborough, taasoo ay sheegeen inay waafaqsan tahay sharciga caalamiga ah. Waxay intaas ku dareen in hawlgalku uu muujinayo go’aanka Maraykanka ee ku aaddan taageeridda xorriyadda maraakiibta iyo isticmaalka sharciga ah ee badaha.

Shiinaha ayaa sheegta inuu leeyahay inta badan dhul-badeedkaas Brunei, Indonesia, Malaysia, Philippines, Taiwan, iyo Vietnam. Maraykankuna wuxuu si joogto ah uga sameeyaa gobolka hawlgallada “xorriyadda maraakiibta” isagoo ka hortagaya waxa uu ku tilmaamo xannibaado sharci-darro ah oo ay soo rogeen Shiinaha iyo dalal kale oo sheegta inay leeyihiin baddaas.

Horseed Media