Safaaradda Shiinaha ee Tel Aviv ayaa Arbacadii beenisay warbixinnada warbaahinta ee sheegaya in Beijing ay u dirtay Iiraan nidaam difaac hawada ah.

Bayaan qoraal ah oo ay safaaraddu ku bixisay jawaab su’aal arrintan la xiriirta oo ka timid wargeyska Israa’iili ah ee Israel Hayom, ayay ku caddeeyeen in wararka sheegaya in Shiinuhu uu u diray Iiraan nidaamyo difaac hawada aanay run ahayn.
Safaaraddu waxay intaas ku dartay in Shiinuhu aanu waligiis hub u dhoofin dalal ku lug leh dagaallo hubeysan.
Wargeyska Middle East Eye ayaa horey u daabacay war uu ka soo xigtay ilo aan magacyadooda la shaacin, oo sheegayay in Shiinuhu uu u gudbiyey Tehran nidaamyo difaac hawada ah kadib xabbad-joojin dhex martay Iiraan iyo Israa’iil.
Bishii Juun 13-keedii ee sannadkan, Israa’iil oo taageero ka helaysa Mareykanka ayaa weerar ku qaaday Iiraan muddo 12 maalmood ah. Weerarkaas ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ciidan, xarumo nukliyeer, kaabayaal rayid ah, saraakiil ciidan, iyo saynisyahanno ku takhasusay tamarta nukliyeerka.
Iiraan ayaa iyaduna ku jawaabtay iyadoo ku garaacday gantaallo saldhigyo ciidan iyo xafiisyo sirdoon oo Israa’iil leedahay, iyadoo adeegsatay gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn. Kadib, Mareykanka ayaa 24-kii bishii Juun ku dhawaaqay xabbad-joojin rasmi ah oo dhex martay Tel Aviv iyo Tehran.
Horseed Media



