Shiinaha ayaa soo rogay canshuuro ka dhan ah badeecadaha Mareykanka.

Shiinaha ayaa ku soo rogay canshuuro ka dhan ah badeecadaha Mareykanka uu soo dhoofiyo taasoo dhaqan geli doonta 10-ka bisha Febraayo kadib markii madaxweyne Donald Trump uu saaray 10 boqolkiiba badeecadaha Shiinaha.
Dawladda Shiinaha ayaa qaaday tillaabooyin isdaba joog ah oo aargoosi ah, oo ay ku jiraan canshuuro dheeri ah oo lagu soo rogay gaaska dabiiciga ah, dhuxusha, makiinadaha beeraha iyo alaabada kale ee Mareykanka. Waxa kale oo ay sheegtay in ay dhaqan galisay xannibaado ku saabsan dhoofinta macdanaha muhiimka ah qaarkood, kuwaas oo intooda badan loo isticmaalo wax soo saarka tignoolajiyada sare.
Intaa waxaa dheer, maamulayaasha suuqyada Shiinaha ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan lagu sameenayo shirkada Google ee Mareykanka laga leeyahay. Google ayaa laga xayiray internet-ka Shiinaha, laakiin tallaabadan ayaa laga yaabaa inay carqaladeyso la macaamilka shirkadaha Shiinaha.
Canshuuraha cusub ee Donald Trump uu ku soo rogay Kanada, Mexico iyo Shiinaha waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa ganacsiga caalamiga ah waxayna hoos u dhigi doontaa dhoofinta Mareykanka 22 boqolkiiba.
Trump ayaa isniintii shalay sheegay in la hakiyey 30 maalmood canshuurihii uu kusoo rogay dalalka jaarka la ah ee Kanada iyo Mexico, kadib markay wadamadaasi iyagana canshuuro kusoo rogeen Mareykanka, tilaabadaasi oo saameyn ku yeelatay suuqyada Mareykanka.
Madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum iyo Ra’iisul Wasaaraha Kanada Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay 30 maalmood canshuuraha Mareykanka, kadib markii ay heshiis la gaareen Trump.
Macada qaabka Mareykanka uga jawaabi doono canshuurta uu soo rogay maanta Shiinaha oo uu kala dheexeeyo loolanka ugu weyn ee ganacsi.