Dowladda Shiinaha ayaa ku dhaqaaqday maanta oo Arbaca ah dhoolatus milatari oo ballaaran oo ay ka bilowday marin biyoodka Taiwan, maalin kadib markii ay samaysay dhoolatus dagaal oo ay ku muujinayaan go’doominta jasiiradan, oo Shiinuhu u arko qayb muhiim ah oo ka mid ah dhulkiisa.

Afhayeen u hadlay Taliska Bari ee Ciidanka Shiinaha ayaa sheegay in dhoolatuskan loogu magac daray “Strait Thunder 2025-A” looga golleeyahay in lagu tijaabiyo awoodda ciidanka ee gacan ku haynta dhulalka.
Waxa uu intaa ku daray in dhaqdhaqaaqyadani ay ka socdaan gobollada bartamaha iyo koonfurta ee marin biyoodka Taiwan, oo ah marin istaraatiiji ah oo dhanka ganacsiga caalamka ah.
Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa dhoolatusyadan ku tilmaantay khatar, iyadoo xustay in dhaq-dhaqaaqyadan millatari ay khalkhal gelin karaan xasilloonida gobolka.
Dhanka kale, Taiwan waxa ay ka jawaabtay dhaq-dhaqaaqa Shiinaha, iyadoo dhaqaajisay diyaaradaheeda iyo maraakiibteeda dagaalka, waxaanay hawlgelisay nidaamka difaaca gantaalaha, waxaanay sheegtay in ciidamada Shiinuhu ay geeyeen 21 markab oo dagaal ah iyo 71 diyaaradood oo qayb ka ah dhoolatuskii ugu dambeeyay.



