Shiinaha oo Hal Milyan Doolar ugu deeqay Abaaraha Soomaaliya.

8 December, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta si rasmi ah ula…

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay deeq lacageed oo dhan $1,000,000 (Hal Milyan Doolar) oo ay Dowladda Shiinaha ugu talagashay gurmadka abaaraha dalka ka jira. Xafladda ayaa ka dhacday xarunta SoDMA, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin iyo diblomaasiyiin.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mr. Wang Yu, ayaa ku wareejiyay deeqda guddoomiyaha SoDMA, isaga oo sheegay in dowladdiisu ka go’an tahay taageeridda shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay in abaaruhu u baahan yihiin gurmad degdeg ah iyo iskaashi caalami ah.

Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sheegay in deeqdan ay dardargelin doonto adeegyada gurmadka ee gaarsiinaya raashin, biyo nadiif ah iyo adeegyo muhiim ah. Wuxuu uga mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

SoDMA ayaa horay u shaacisay xaalad adag oo dalka taagan gaar ahaan abaaraha waxaana jiray in agaasimaha hay’adan codsaday in kaalmo soo gaarsiiyaan hay’adaha caalamiga dadka abaarahu saameeyeen.