Shiinaha oo Maraykanka u digey aqoonsi la siiyo Maamulka Somaliland.

Dowladda Shiinaha ayaa si adag u qaadacday tallaabo kasta oo Maraykanku ku doonayo taageerada gooni goosadka…

16 August, 2025

Dowladda Shiinaha ayaa si adag u qaadacday tallaabo kasta oo Maraykanku ku doonayo taageerada gooni goosadka iyo madax-bannaani la siiyo Maamulka Soomaaliyeed ee Somaliland.

Qoraal ka soo baxay safaaradda Shiinaha ee Somalia ayaa looga jawaabey qoraal uu sameeyay Senator Mareykan ah oo dowladdiisa ka codsaday in la aqoonsado maamulka Somaliland. Safaaraddu ayaa tilmaantay arrintaasi tahay faragelin cad oo lagu hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Dhanka kalena, Safaaradda dowladda Soomaaliya ee Maraykanka ayaa si adag uga hortimid ololaha ku saabsan aqoonsi uu Maraykanku siiyo Somaliland, oo ay ku tilmaantay mid lagu wiiqayo midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

“Wax kasta oo lagu xalaaleynayo kala goynta dalka waa mid ka dhan ah nabadda, amniga, iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed. Soomaaliya kama tanaasuli doonto midnimadeeda dhuleed, waxaana ka hortagi doonnaa dadaal kasta oo lagu wiiqayo midnimada iyo madax-bannaanida dalkeenna” ayaa lagu yiri qoraal rasmi ah oo ka soo baxay safaaradda Soomaaliya ee dalka Maraykanka.