Washington ayaa lagu soo waramayaa inay ku cadaadinayso wadamada inay joojiyaan ganacsiga Shiinaha si ay uga badbaadaan canshuuraha cusub ee Maraykanka. Beijing waxay iyadana ku hanjabtay “tilaabooyin liddi ku ah” dalalka u hogaansama weerarka ganacsi ee ka soo horjeeda danaheeda dhaqaale.

Shiinaha ayaa Isniintii ku hanjabay tallaabooyin ka dhan ah waddamada “raaligelinaya” Mareykanka iyaga oo la gelaya heshiisyo ganacsi oo looga soo horjeedo Bijing.
Digniintan ayaa daba socota warbixin ay soo saartay warbaahinta Bloomberg oo ah in Maraykanku uu qorsheynayo inuu ku cadaadiyo waddammada inay xakameeyaan ganacsiga Shiinaha haddii ay doonayaan inay ka fogaadaan canshuuraha cusub ee Mareykanka ee dhoofintooda uu ku dhawaaqay madaxweyne Donald Trump horaantii bishan.
Maamulka Trump ayaa sheegay in daraasiin waddamo ah ay doonayaan in ay dib uga wadahadlaan ganacsiga si ay uga hortagaan ciqaabta cusub ee Mareykanka uu ku soo rogay dalalkaasi, taasi oo dhaawici karta wax soo saarka ay u dhoofiyaan wadankaasi oo ah dhaqaalaha ugu weyn caalamka.
Canshuuraha cusub ayaa la hakiyay muddo 90 maalmood ah dhammaan dalalka marka laga reebo Shiinaha, oo wajahaya canshuuraha Mareykanka ilaa 145%. Beijing ayaa dib u soo celisay kor u qaadista tacriifadaha wax soo dejinta Mareykanka 125%