Shil Air India: Boqolaal qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaarad Boeing-787 ah ay soo dhacday

12 June, 2025

Booliska Hindiya ayaa sheegay in in ka badan 200 oo meyd ah la helay kaddib markii diyaarad ay burburtay wax yar uun kaddib markii ay ka duushay magaalada Ahmedabad. Inta badan 242-ka qof ee saarna waxay ahaayeen Hindi ama British.

Diyaarad nooceedu ahaa Boeing 787 Dreamliner ayaa burburtay wax yar uun ka dib markii ay ka kacday magaalada Ahmedabad, kuna sii jeeday garoonka diyaaradaha ee Gatwick ee magaalada London.

Ilaa 242 qof ayaa la socday Diyaarada Air India Duulimaadka 171, oo ay ku jiraan 169 Hindi ah, 53 British ah, 7 Boortaqiis ah iyo 1 Canadian ah.

In ka badan 200 oo meyd ah ayaa laga soo saaray goobta.

Maamulka ayaa xaqiijiyay hal qof oo ka badbaaday diyaaradda.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay burburka diyaaradda.

Raiisel wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay in dhacdadani ay tahay “shil xanuun badan”.

Shilkan ayaa ah kii ugu horeeyay oo ay dad ku dhintaan ee nooca diyaaradan casriga ah Boeing 787 Dreamliner.