Shir looga arrinsanayo caddaaladda Puntland oo Garoowe ka furmay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor,daah-furay Madasha Hirgelinta iyo Taageeridda Istaraatiijiyadda Caddaaladda Puntland 2025–2030,…

3 August, 2026

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor,daah-furay Madasha Hirgelinta iyo Taageeridda Istaraatiijiyadda Caddaaladda Puntland 2025–2030, taas oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, hay’adaha garsoorka, bahwadaagta horumarinta iyo daneeyayaasha kale ee waaxda caddaaladda.

Madashan ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta Istaraatiijiyadda Caddaaladda Puntland 2025–2030, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bahwadaagta horumarinta, dardargelinta dib-u-habaynta nidaamka caddaaladda, iyo xaqiijinta in bulshada Puntland ay helaan adeegyo caddaaladeed oo hufan, loo siman yahay, isla markaana lagu kalsoonaan karo.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa khudbad uu ka jeediyey madasha ku sheegay in caddaaladdu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee dowladnimada, amniga iyo horumarka bulshada. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in Dowladda Puntland ay si buuxda uga go’an tahay hirgelinta istaraatiijiyaddan, si loo dhiso hannaan caddaaladeed oo casri ah, madax-bannaan, hufan, isla markaana ka jawaaba baahiyaha bulshada.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu uga mahadceliyey dhammaan hay’adaha dowladda, bahwadaagta horumarinta iyo daneeyayaasha kale kaalintooda ku aaddan hirgelinta Istaraatiijiyadda Caddaaladda Puntland 2025–2030, isaga oo ku baaqay in la sii xoojiyo iskaashiga lagu horumarinayo adeegyada caddaaladda iyo ku dhaqanka sharciga.