Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimiladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah u furtay Shirka Saadaasha…
Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimiladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah u furtay Shirka Saadaasha Cimiladda Puntland (Puntland Climate Outlook Forum – PCOF), oo sanadkaan lagu falanqeynayo saadaasha roobka iyo xaaladaha cimilada, iyadoo la isku duba-ridayo qorshayaasha ka hortagga khataraha abaaraha iyo isbeddelka cimilada.
Furitaanka shirka waxaa si rasmi ah ufuray Wasiirka Deegaanka Mohamed Abdirahman ayaa dul-istaagay muhiimadda xogaha saadaasha cimiladu ay u leeyihiin qorsheynta waxqabadka iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha kala duwan.
Shirkan oo hal-ku-dhegiisu yahay “Dhisidda awood wadajir ah si Puntland loogu diyaariyo khataraha cimilada iyo abaaraha soo noqnoqda, ayaa waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka socda wasaaradaha, bulshada rayidka ah, khubarada cimilada, iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha horumarinta iyo ka hortagga khataraha dabiiciga ah.





