Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor yaa daa-furay Shirweynaha Horumarinta Caddaalladda Puntland-2025,…

Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor yaa daa-furay Shirweynaha Horumarinta Caddaalladda Puntland-2025, oo lagu saleeyay hal-ku-dhigga “Caddaalad loo siman yahay.”
Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta Dowladda Puntland ayaa looga hadlayaa sidii loo xoojin lahaa horumarinta nidaamka caddaaladda Puntland, loona xaqiijin lahaa adeeg caddaaladeed oo hufan oo bulshada oo dhan u siman.
Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Osmaan Lugatoor, ayaa bogaadiyay shirweynahan oo muhiimad gaar ah siinaya arrimaha Caddaalada Puntland, wuxuu sheegay in Puntland tusaale lagu daydo u tahay horumarka Caddaaladda Soomaaliya, isagoo xusay sida Caddaaladda loo waafajiyay Dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Puntland.
Shirka waxaa kasoo qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, Saraakiisha Garsoorka iyo Caddaaladda, Ciidanka Booliska, Culimada, Odayaasha Dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.




