Shir looga hadlayo horumarinta waxbarashada Puntland oo Garoowe ka furmay.

29 April, 2025

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta furay Shirweynaha 7-aad ee dib-u-eegista Waxbarashada Puntland,…

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta furay Shirweynaha 7-aad ee dib-u-eegista Waxbarashada Puntland, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xusay muhiimada ay leedahay joogteynta dib-u-eegista Waxbarashada iyo horumarinteeda, si loo tayeeyo aqoonta jiilka wax baranaya, waxaana uu boggaadiyay dadaalka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland iyo dhammaan cidkasta oo kala qeyb qaadatay Shirka.