Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa daah-furay shir sanadeedka 4-aad…

Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa daah-furay shir sanadeedka 4-aad ee Nabadda oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Cilmi-baarista Puntland ee (PDRC).
Shirweynaha oo halku dhiggiisu yahay “Nuglaanta, Dhismaha Dowladnimada & Nabadeynta Soomaaliya” ayaa looga hadlayaa xaaladda dowladnimada Soomaaliya, dhismaha iyo tayeynta hay’adaha, nabad-dhisidda, iyo sidii bulshada Soomaaliyeed ay door muuqda uga qaadan lahayd geeddi-socodka maamulka iyo go’aan-qaadashada.
Kusimaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa khudbadiisa shirweynaha kaga hadlay muhiimadda uu shirku u leeyahay fahamka xaaladda nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya, Waxa uu xusay in Dowladda Puntland ay ka go’an tahay ka shaqaynta nabadda, xasilloonida iyo dowladnimada Soomaaliya.
Sidoo kale, waxa uu iftiimiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay burburisay heshiisyadii ay Soomaalidu hore ugu gaareen arrimaha dowladnimada, taas oo uu ku tilmaamay caqabadda ugu weyn ee maanta hortaagan Soomaaliya.
Shir-sannadeedka waxaa ka qaybgalaya golayaasha kala ee Dowladda Puntland aqoonyahanno, siyaasiyiin, khubaro, bulshada rayidka ah iyo masuuliyiin kale.




