Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas…

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Madaxtooyada Dowladda Puntland ku guddoomiyay shir la yeesheen, Wasaaradda waxbarashada & tacsliinta sare, Guddiga Tacliinta Sare iyo Bahda Jaamacadaha Puntland.
Shirka, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, ayaa looga hadlay qodobo muhiim ah oo la xiriira horumarinta tacliinta sare ee Puntland, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
1. Dib-u-habaynta iyo xoojinta wada-shaqaynta u dhexaysa Guddiga Tacliinta Sare iyo bahda jaamacadaha Puntland.
2. Kor u qaadista tayada tacliinta sare, horumarinta aqoonta tiknoolajiyadda, xoojinta cilmi-baarista, adkaynta nidaamka waxbarashada, iyo hirgelinta siyaasadaha iyo xeerarka hagaya tacliinta sare.
3. Dardargelinta dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada si loo helo jiil aqoon leh oo si wax ku ool ah uga qayb qaata horumarka Puntland.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku boorriyey bahda waxbarashada Puntland inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada, isla markaana ay si wadajir ah uga shaqeeyaan kobcinta aqoonta, cilmi-baarista, iyo horumarka bulshada Puntland.




