Shir madaxeedka Midowga Yurub: Ajandaha ugu muhiimsan ee hantida Ruushka ee la xayiray oo la doonayo in lagu wareejiyo Ukraine

18 December, 2025

Hoggaamiyeyaasha 27-ka waddan ee xubnaha ka ah ayaa ku shiraya Brussels, iyadoo ajandaha shirka uu yahay Ukraine iyo arrimaha socdaalka.

Hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa kulan yeelanaya si ay uga wada hadlaan arrimaha ugu muhiimsan ee dagaalka Ukraine iyo dhaqaalaha.

Maalgelinta Ukraine ayaa lagu wadaa inay noqoto waxa ugu muhiimsan wadahadallada, iyadoo maamulka Trump ee Mareykanka uu hoos u dhigay taageeradiisa Ukraine.

Maxay madaxdu ka wada hadli doonaan?

  • Maalgelinta Ukraine, iyo in dhaqaalaha Ruushka laga xanibay ee yaala Bangiyadda Yurub lagu wareejiyo Ukraine oo xaalada adag ku jirta.
  • Xaaladda dhaqaalaha ee Midowga Yurub
  • Siyaasadda ballaarinta Midowga Yurub
  • Difaaca Yurub
  • Miisaaniyadda muddada dheer ee 2028-2034

Qaar kamid ah dalalka reer Galbeedka ee Midowga Yurub ayaa doonaya in dhaqaalaha laga xanibay Ruushka ee yaalla bangiyada EU-da oo gaaraya 200 Bilyan lagu wareejiyo Ukraine si ay u maalgeliyaan militarigooda oo mushahar la’aan soo wajahaday iyo dib u dhiska dalkaasi dagaalka kula jira Ruushka.

Ruushka ayaa Midowga Yurub uga digay inuu tilaabadaasi qaado iyagoo sheegay inay qaadi doonaan tilaabooyin ka dhan ah EU-da, gaar ahaan dalka Belgium oo ah halka lagu hayo dhaqaalaha laga xanibay.

Dowlada Belgium iyo qaar kamid dalalka bariga Yurub ee kamid ah EU-da, ayaa diidan in dhaqaalaha lagu wareejiyo Ukraine, iyagoo ka cabsi qaba talaabadda uga imaan karta dhanka Ruushka.