Shir madaxeedka NATO: Xulafada ayaa isku raacay in 5% miisaaniyadooda ay ku bixiyaan difaaca

25 June, 2025

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa guul weyn ku tilmaamay kordhinta qarashaadka lagu heshiiyey. Wadamada xubnaha ka ah NATO ayaa sidoo kale muujiyay taageerada Ukraine.

Xulafada NATO waxay isku raaceen inay kor u qaadaan ballanqaadkooda kharashka difaaca ilaa 5% wax soo saarka guud ee gudaha (GDP).

Trump ayaa dhaleeceeyay dalka Spain kadib markii uu sheegay in aysan buuxin doonin ballanqaadka miisaaniyadooda militari 5% kahor sanadka 2035 sida lagu heshiiyey.

“Waxaan u maleynayaa inay aad u xun tahay waxa Spain ay samaysay,” ayuu yidhi.

Dhaqaalaha Spain si aad u wanaagsan ayuu u kobcayaa, Trump wuxuu yiri, “marka ma garanayo waxa dhibku yahay.”

Trump ayaa sheegay in uu si toos ah ula macaamili doono Spain uuna kusoo rogi doono canshuuro dheeraad ah ee ganacsiga.

Dhinaca kale arrinta dagaalka Ukraine ma ahayn mid xooggan oo diiradda la saaray marka la barbar dhigo shirwaynihii sanadkii hore.

Hogaamiyaha Jarmalka Friedrich Merz ayaa sheegay inuu ka codsaday Trump inuu balaadhiyo cunaqabateynta saaran Ruushka.

Xoghayaha Guud Mark Rutte waxa uu isagana carrabka ku adkeeyay in Maraykanku “ka go’an tahay” NATO iyo qodobkiisa 5-aad ee difaaca wadamada xubnaha ka ah.