Shir-weynaha dhammaystirka maamulka SSC KHATUMO ayaa si habsami leh uga socda Magaalada caasimadda ah ee Laascaanood…

Shir-weynaha dhammaystirka maamulka SSC KHATUMO ayaa si habsami leh uga socda Magaalada caasimadda ah ee Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Hoggaamiyaha maamulka KHATUMO Cabdulqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye ayaa shirka ka jeedin doona khudbad 25 daqiiqo ah oo uu kaga hadlayo waxqabadkiisii, qorshaha maamulka cusub ee maamulkiisa iyo arrimo kale.
Xubno katirsan guddiga qaban qaabada shirka ayaa warbaahinta u sheegay in maanta ay noqon doonto khudbad jeedin iyo isbarasho maalinimada berri ahna la guda gelidoono dhismaha maamulka iyo waxqaybsiga beelaha kala duwan ee ka soo qayb galay.




