Shirka Baydhabo oo looga hadlayo 3dii qodob ee caqabada ku noqday Doorashada Soomaaliya

Published: February 16, 2021

Guddiga ka socda Dowlada Federaalka, Dowlad Gobaleedyadda iyo Gobalka Banaadir ayaa xalay xili danbe isla gaaray kulankoodii ugu horeeyey oo ay ku yeeshaan magaalada Baydhabo.

Shirka guddiga oo shalay gelinkii danbe ka furmay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa shalay ka qeyb galay Raysalwasaare Rooble oo dhanka foogaan araga kaga qeyb galay, sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen ayaa xalay guddiga shir gaar ah la yeeshay.

Arrimaha ugu muhiimsan ee guddigan loo saaray ayaa ah inay xal kasoo gaaraan sadexdii qodob ee caqabada ku noqday doorashada Soomaaliya oo ay si weyn isugu khilaafsan yihiin Villa Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya.

1- Xubnaha Guddiga Doorashada Federaalka
2- Xubnaha Guddiga Doorashada Somaliland
3- Maamulida Gobalka Gedo ee Jubbaland State

Wasiirka Dastuurka ee Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo kamid ah xubnaha guddigan ee metalaya Dowlada dhexe ayaa loo magacaabay shir gudoonka kulankan socda, wuxuuna Wasiirka sheegay in shirkooda uu ku bilowday jawi wanaagsan isla markaana ay go’aanada ku gaari doonaan hab isu tanaasul iyo wadar ah.

Waxaa gebi ahaan fashilay shirkii uu Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku baaqay inuu magaalada Garowe ka dhaco maalintii shalay ee 15kii Feberaayo, kadib markii Puntland soo jeedisay in shirkaasi lagu qabto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Beesha Caalamka oo dadaal ugu jirta in lasii wado wadahadalka ayaa soo jeedisay inaysan caqabad ku noqon wadahadalka halka shirka uu ka dhacayo, xili Villa Soomaaliya ay si adag u diidan tahay baaqyada uga imaanaya Puntland, Jubbaland, Aqalka Sare iyo Ururada Bulshada Rayidka oo ku baaqay in shirka la balaariyo oo laga qeyb geliyo Saamileyda siyaasada isla markaana madasha noqoto magaalada Xamar.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *