Shirka dalalka G7 oo ka furmay France.

Hoggaamiyeyaasha toddobada waddan ee ugu sarreeya adduunka dhanka warshadaha ee (G7) ayaa sanadkan ku shiraya magaalada Evian-les-Bains, ee dalka Faransiiska.

16 June, 2026

Ajandaha ayaa la filayaa inuu ku koobnaado dagaallada ka socda dalalka Iiraan iyo Ukraine.

Kulanka ayaa bilaaban doona iyadoo su’aalo laga keenayo ku dhawaaqistii heshiiska nabadda ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan. Madaxweynaha Mareykanka Trump oo shirka ka qeyb galaya ayaa sheegay in la dhaqan gelin doono heshiiskaas.

Shirkan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xili dalalka EU-da iyo Mareykanka ay si weyn isugu khilaafsan yihiin xalinta dagaalka ka socda Ukraine iyo tariifada Mareykanka kusoo rogay ganacsiga u dhaxeeya labada dhinac.

Martigeliyaha shirka Madaxweynaha France, Emmanuel Macron ayaa sidoo kale casumay hoggaamiyeyaasha dalalka Masar, Qatar, Ukraine iyo Imaaraadka Carabta si ay uga soo qayb galaan kulamadan.