Shirka dhammaystirka dhismaha maamul goboleedka KHATUMO oo maalinimadii shalay ka furmay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka…

Shirka dhammaystirka dhismaha maamul goboleedka KHATUMO oo maalinimadii shalay ka furmay Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta galay maalintiisii 2aad.
Guddiga qaban qaabada shirka ee heer federal ayaa jadwalka ku caddeeyey in maanta odayaasha dhaqanku ay soo xuli doonaan ergooyinka ku matalaya arrimaha xasaasiga ah ee maamulka horyaalla.
Ergooyin ay maanta soo gudbiyaan odayaasha dhaqanka ee beelaha kala duwan ayaa maalinimada berri ah dood ka yeelan doona arrimaha maamul dhiska, macaga maamulka, calanka, dastuurka iyo awood qaybsiga beelaha.
Guud ahaanba shirka waxaa qaadacay Garaad Jaamac Garaad Cali iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kadib markii lagu marti qaaday wafti ka socda Sanaag iyo Haylaan oo isimadoodii sheegeen inaysan qayb ka ahayn xad gudubna lagu sameeyey.



