Shirka Dhusamareb 3 oo la xagal dhaaciyay, qalalaasena madaxa la galay -OPINION

Published: August 18, 2020
Dr Culusow

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo wuxuu ku guuleystay inuu afduubo, marin habaabiyo, fashiliyo shirka dhusamareb 3 kaddib markii uu ku qanciyay Madaxweyne Axmed Cabdi Qorqor inuu qabto shir jaraa’id oo mas’uuliyaddiisa ka baxsanaa kuna dhawaaqayo in shirka dhusamareb 3 furan yahay ayadoo ay maqan yihiin DG Puntland iyo Jubbaland. Soomaaliya waxay u afduuban tahay Madaxweyne Farmajo oo ka go’aan tahay inuu xoog ku haysto xukunka.

Madaxweyne Qorqor wuxuu ku eedeyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay ka caga jiidaayaan daryeelka iyo mudnaan siinta maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed halka Madaxweyne Farmajo yahay caqabada dhabta ah ee hortaagan nabadda, horumarka, iyo hirgelinta doorasho xor iyo xalaal ah bisha Nofember 2020.

Shirka jaraa’id ee Madaxweyne Qorqor wuxuu daboolka ka qaaday shakigii dad badan ka qabeen taabbagalka shirka dhusamareb 3 kaddib markii RW ku xigeenka siihayaha Mahdi amray in guddiga Farsamada lagu go’aansaday shirkii dhusamareb 2 isugu yimaado Muqdisho, guddigaaso la filayay inuu ku shiro dhusamareb, isla markaana Wasir Salah Guddoomiye u noqday. DG galmudug, Koofur Galbeed, iyo Hirshabelle way u hoggaansameen amarkaas, waxayna wakiilladooda ka qayb galeen shirarka Guddiga farsamada ee ka dhacay Muqdisho, halka DG Puntland iyo Jubbaland ay ka biyo diideen inay ka qayb galaan shirarkaas.

Arrintaas waxay dhaawacday Isbaheysiga dhusamareb 1 oo asaas u ahaa dhusamareb 2 iyo 3. Sababta dhusamareb loogu sharfay shirka DG iyo kan u dhexeeyay DG iyo DF waxay aheyd in Puntland iyo Jubbaland diideen martiqaadkii Madaxweyne Farmajo ee ahaa in Muqdisho la isugu yimaado.

Ma jirin xumaan dhextiil Galmudug iyo Puntland; haseyeeshe shirka jaraa’id wuxuu ahaa abaal dhac loo geystay Puntland iyo Jubbaland.

La wareegga Guddiga farsamada ee Muqdisho wuxuu hordhac u ahaa afduubka Dowladda Federaalka (DF) ee shirka dhusamareb 3. Shirka jaraa’id ee Madaxweyne Qorqor waxaa loo fasiri karaa in DF la wareegtay shirka dhusamareb 3, Madaxweyne Qorqor noqday afhayeen Madaxweyne Farmajo. Waa adkaaneysa in Puntland iyo Jubbaland aqbalaan isbeddelkaas oo wiiqaya kaalintooda iyo kaalinta DG. Madaxweyne Farmajo ma ahan ilaaliye dastuurka kmg, nidaamka Federaalka, iyo nidaamka dimoqradiga ee DF ku dhisan tahay.

Waxaa la maraya in DG Puntland iyo Jubbaland loogu yeero inay ku soo biiraan shir heerkiisi farsamo iyo kiisii siyaasadeed laga tashaday, isla markaana loo jeediyay dhalliilo iyo eedo iyo hadallo qallafsan ee aysan galabsan.

Waxaa muuqata in galmudug aysan garan ama iska indhatirtay ahmiyadda ay leeyihiin arrimaha iyo su’aalaha taagan ee Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BF, warsaxaafadeedka DG Puntland iyo Jubbaland soo bandhigeen, loona baahnaa in Madaxweyne Farmajo ka jawaabo halka Madaxweynaha Galmudug Mudane Qorqor ka eedeynayo Puntland iyo Jubbaland. Su’aalahaas waxay xaqiijinayaan guusha shirarka taxanaha ahaa ee dhusamareb.

Waxaa xusid mudan in farqi weyn u dhexeeyo gogosha dowladeed iyo gogosha bulshada iyo reeraha. Gogosha dowladda waxaa hoggaamiya siyaasad, sharci, iyo xeer ay tahay inaan lagu xadgudbin.

Galmudug waxay aheyd goob loo doortay in dhinacyo khilaaf dabadheeraaday ka dhexeeyay ay oggolaadeen inay isugu yimaadaan, kaddib markii la diiday martiqaadkii Madaxweyne Farmajo ee Muqdisho.

Sidaa darted, waxaa loo baahan yahay in Madaxda Galmudug siiso mudnaanta siyaasadda iyo xeerka nidaamka dowliga marka ay ka hadleyso gogosha oo aysan u qaadan gogol bulsho.

Shirka jaraa’id ee Madaxweyne Qorqor wuxuu xagal daaciyay shirka dhusamareb 3. Haddii lagu heshiin waayo shirka dhusamareb, galmudug wax dambi iyo ceeb ah kama soo gaari laheyn. Waajibka galmudug waa inay arrimaha doorashada 2020/2021 ay mowqif cad ka leedahay, isla markaana xaqiijiso inay difaaceyso go’ammaadii dhusamareb 1 iyo 2, dastuurka iyo nidaamka dimoqradiga ah. Ilaalinta nidaamka dowladnimo waa muhiim.

Xalka degdeg ah ee loo baahan yahay waa in Madaxweyne farmajo shir jaraa’id ku qabto dhusamareb 18/08/2020, kuna caddeeyo 5 arrimood:

  1. Inuu si daacadnimo ah u aqoonsan yahay go’aannadii lagu gaaray dhuusamareb 1 iyo 2, kuna shaqeynayo;
  2. In heshiiska lagu gaaro dhusamareb 3 ay si buuxda u fulineyso xukuumadda uu dhisayo muddo 15 maalmood.
  3. In Barlamaanka Federaalka ka kooban yahay Golaha Shacbiga iyo Aqalka Sare, isla markaana aysan waxba ka jirin dhammaan sharciyada aysan wada ansixin labada aqal ee Barlamaanka federaalka.
  4. In beesha Caalamka taagerto shirka dhusamareb 1,2,3, kana codsato inay gacan ka geysato xallinta khilaafaadka taagan ama imaan kara ilaa fulinta heshiiska kama dambeyska ah.
  5. Inuu ballan qaadayo fulinta is afgaradyadii horey dhexmaray DF iyo DG.

Ugu dambeyn, waxaa lagama marmaan ah in Madaxweynaha Galmudug Mudane Qorqor cudurdaar ka bixiyo hadallada qallafsanaa ee shirkiisa jaraa’id ku jiray.

Waxaa qoray: Dr. Maxamud M Culusow

This post reflects the opinions of the author and not necessarily those of Horseed Media as a publication.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Anigu waxaan qabaa in dumuqradiyada loo hiisho, dumuqradiyadu waxeey ina faraysaa ( Majority Rules ), sidaa daradeed madama maamul goboleedyada intii badneyd ay gogosha yimadeen, federalkii iyo gobolka banadirna ay madasha fadhiyaan wixii shirkaa ka soo baxa ayaa umada somaliyeed, gedi socodka dowladnimo iyo masiirka jiilka cusub ay dan ugu jirtaa, intii hada maqana yeelkadooda, dalkana iyo dadkana waxaa anfaca hal qof iyo hal cod si looga marmaro kursu biica oo lacag lagu gato iyo siyaasi raba inuu umada iyo kheyraadka dalkaba dilaalo.