Shir madaxeed degdeg ah oo ka dhacay magaalada Dooxa, madaxda Carabta iyo kuwa Muslimka ah ayaa cambaareeyey duqeymaha fashilmay ee Israa’iil ay ku qaadday saraakiisha Xamaas ee ku sugan Qatar, iyagoo ku tilmaamay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo nabadda; kuna baaqay in tallaabo sharci iyo cadaadis dhaqaale la saaro Israel.

Hogaamiyaasha wadamada Carabta iyo kuwa Muslimka ah ayuu maanta shir uga furmay magaalada Dooxa, kadib duqeyntii cirka ee Israel ay ku bartilmaameedsatay madaxda sare ee Xamaas ee ku sugan caasimada Qatar.
Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, Amiirka Qatar ahna martigeliyaha shir madaxeedka, ayaa shirka ku furay hadalo kulul oo uu ku cambaareynayo Israa’iil.
Shirkan ayaa lagu wadaa in laga soo saaro warmurtiyeed ay ku mideysan yihiin dalalka Carabta iyo Islaamka.




