Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee Kismaayo iyo qodobada horyaalla.

18 December, 2025

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka kooban Siyaasiyiinta Mucaaridka Muqdisho, Puntland & Jubbland ayaa maanta shirka muhiim…

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka kooban Siyaasiyiinta Mucaaridka Muqdisho, Puntland & Jubbland ayaa maanta shirka muhiim ah uga furmayaa magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Jubbaland.

Shirkaan oo socon doona muddo saddex cisho ah ayaa lagu dooranayaa hoggaanka golahaasi iyada oo lagu wado in ay Guddoon u doortaan Madaxweyne hore Shariif & Madaxweyne Madoobaha maamulka Jubbaland.

Dhanka kalena, golaha ayaa go’aamo ka soo saaraya xilliga kala guurka ah ee dalka, iyada oo durba la bilaabay ka hadalka noocyo doorasho oo ka dhacaysa dalka May 2026 & sida lagu wajahayo doorashada qof iyo cod ee ay waddo Villa-Somalia.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaridka ah ayaa soojeediyey in lagu dhawaaqo xukuumad kale, haddii DFS ay wada-hadal doorasho furin ka hor bisha Maay 2026, sida aan ka soo xiganay ilo wareedyo ka agdhaw mucaaradka.

Inta badan xubnaha mucaaradka ayaa ka walaacsan yihiin doorashadii 2022 oo kale, haddana madaxda Dowlad-goboleedyada ayaa door bidaya doorasho-dadban oo ergada & deegaannada laga badiyey intii hore.