Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo gelinkii dambe ee shalay furmay ayaa maalintii 2aad ka socda Magaalada…

Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo gelinkii dambe ee shalay furmay ayaa maalintii 2aad ka socda Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah u ah Jubbaland.
Shirka oo ay ka qaybgaleen madaxda Puntland, Jubbaland iyo madasha mucaaradka ayaa looga arrinsanayaa arrimaha doorashooyinka Somalia, siyaasadda, ammaanka iyo marxaladda kala guur ee Somalia ku sii dhawaanayso.
Madaxweynaha Jubbaland oo shalay ka hadlay madasha furitaanka ayaa xusay in aysan jirin wax ka hortaagan inay qabtaan doorashooyinka dalka marka uu dhammaado muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Doorashada dalka in aan bilowno wax naga hortaagan majiraan, Madaxweyne Xasan wax shaqsi ah iskuma hayno cafis ayuuna iga yahay, keliya waxa aan u baahan nahay in aan dalka badbaadinno”, Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inay dalka u tashan doonaan marka la gaaro bisha May ee 2026 haddii aan la gaarin heshiis doorasho oo jeexaya tubta xigta ee Somalia u jihaysan doonto.
Muddo-xileedka Xasan Shiikh marka uu dhammaado wax iska jiitama ma jiri doonaan dalka waanu u tashan, Haddii aan lays maqliwaayona wey kala tegysaa Soomaaliya”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi.



