Mas’uuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee dowladda Puntland, maamulka gobolka, isimo, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan…

Mas’uuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee dowladda Puntland, maamulka gobolka, isimo, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qaybgalay shirka Horumarinta gobolka Mudug ayaa ka furmay Gaalkacyo.
Shirka ayaa muddada uu socdo diiradda lagu saari doonaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha gobolka Mudug, maalgashiga fursadaha banaan, ammaanka iyo midnimada bulshooyinka kala duwan ee gobolka.
Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ah isinka guud ee gobolka ayaa khudbad uu jeediyey ku soo dhaweeyey shirkaan, isagoo dhinacyada ka qaybgelaya ugu baaqay inay maskaxda tuujiyaan kana soo saaraan qodobo ka qayb qaadanaya horumarka guud ee gobolka.



