Shirka isbaheysiga NATO oo ka furmay Holland

25 June, 2025

Shirka Sanadkan qodobada ugu muhiimsan ayaa kala ah; Miisaaniyada dalalka xubnaha ee 5% oo murran xoogan ka taagan yahay, dagaalada Ukraine iyo Barriga Dhexe.

Boqorka Holland Willem Alexander oo casho sharaf u sameeyey hogaamiyayaasha NATO

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa magaalada Hague kaga qeyb galaya shir madaxeedka NATO, halkaasoo hogaamiyaasha difaaca la filayo in ay sare u qaadaan kharashkooda difaaca ilaa 5% ee wax soo saarkooda qaran.

Mawduuc kale oo weyn ee shirka looga hadlayo ayaa noqon doona dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Trump ayaan xidhiidh fiican lalaheyn hogaamiyayaasha NATO, isaga oo marar dhowr ah soo jeediyay in Maraykanku aanu difaaci doonin xulafada aan bixin miisaaniyad ku filan kharashaadka difaaca ee NATO.

Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte ayaa shalay waji-gabax ka raacay warqad uu u diray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo uu si weyn u ammaanay, warqadaasi shakhsiga ah ayuu hoggaamiyaha Maraykanku si lama filaan ah ugu shaaciyey baraha Bulshada. Rutte ayaa warqadaasi Trump ku amaanay duulaankii sharci darrada ahaa ee uu ku qaaday dalka Iran, arrintaasi oo ay dad badan ka caroodeen.

Inkastoo amniga magaalada The Hague ee uu shirka ka socdo si weyn loo adkeeyey, hadana waxaa jira mudaharaadyo ay shacabka uga soo horjeedaan xasuuqa Israel ka wado Gaza iyo xiisada Barriga Dhexe.