Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalintii afaraad ka socday Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa…

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalintii afaraad ka socday Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa goordhow lasoo gaba-gabeeyay, iyada oo weli Madaxda is afgarad ka gaarin dooddihii u dhaxeeyay.
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Golaha Wadatashiga Qaran ay Maanta shirka ugu sii amba qaadeen doodihii ku aadanaa dardar-gelinta iyo hufnaanta doorashada.
Wasiir Cabdiraxmaan Alcadaala ayaa tilmaamay in Madaxda ay si weyn uga doodeen Arrimaha amniga dalka iyo jaangoynta doorashada, isagoo xusay in Shirku uu ku socday jawi wanaagsan oo qodobada qaar horumar laga sameeyay, waa sida uu yiri.
“Shirka doodo qoto dheer ayaa laga yeeshay meelo badan horumar ayaa laga sameeyey jawi wanaagsan ayuuna ku socday doodahana waa ay sii socon doonaan illaa la isla meel dhigo dhamaan qodobada horyaal ee muhiimka u ah masiirka dalka.”
Al-Cadaala
Horseed Media