Shirkad aqbashay inay burcad-badeed Soomaali ah siiso $2.7 milyan oo doollar.

Ilo lagu kalsoon yahay oo la socda dhaqdhaqaaqa burcad-badeedda Soomaalida, ayaa xaqiijiyey in shirkadda maamusha markabka…

31 August, 2026

Ilo lagu kalsoon yahay oo la socda dhaqdhaqaaqa burcad-badeedda Soomaalida, ayaa xaqiijiyey in shirkadda maamusha markabka MV SWARD, oo laga leeyahay Jasiiradda Saint Kitts & Nevis, ay ogolaatay bixinta madax-furasho ka badan $2.7 milyan oo doollar, si loo sii daayo markabka iyo shaqaalaha saaran oo muddo lagu haystey xeebaha Nugaal ee Puntland.

Go’aankaan ayaa yimid kadib markii kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ay dhawaan sii kordhiyeen weerarrada iyo afduubka maraakiibta ku socda biyaha Soomaaliya. Burcaddu waxay hore u xaqiijiyeen inay madax-furasho ka qaateen markabka MV Lutuf, kaas oo dhowaan lagu haystay xeebaha Soomaaliya, iyadoo Puntland sheegtay in lagu soo furtay 2.5 million oo dollar.

Kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ayaa weli gacanta ku haya tiro maraakiib ah oo kala duwan, taas oo muujinaysa in khatarta afduubka maraakiibta ay mar kale soo xoogaysanayso, waxaana Puntland iyo dhinacyo kaleba rumaysan yihiin in lacagaha madax-furashadu dhiirigelin doonaan falalka afduubka xeebaha Soomaaliya.

Puntland ayaa ku eedaysay DFS iyo qaar kamid ah dowladaha shisheeye ee daneeya arrimaha Soomaaliya ay qayb ka yihiin soo laba-kaclaynta kooxaha burcad-badeedda Soomaalida, iyadoo xustay inay ka leeyihiin ujeedooyin la xiriira joogitaankooda biyaha Soomaaliya.