Shirkadda Golis oo Puntland ku wareejisey $150 kun oo loogu talagalay gurmadka abaaraha.

14 March, 2026

Shirkadda isgaadhsiinta ee Golis Telecom Somalia ayaa Maanta lacag dhan $150,000 (Boqol iyo Konton Kun oo…

Shirkadda isgaadhsiinta ee Golis Telecom Somalia ayaa Maanta lacag dhan $150,000 (Boqol iyo Konton Kun oo Doollar) ku wareejisay guddiga gurmadka abaaraha ee ka howlgala deegaannada Puntland, si loo taageero bulshada abaartu saamaysay.

Deeqdan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo dadaallada gurmadka degdegga ah, iyadoo lagu bixin doono biyo, raashin, iyo adeegyo caafimaad dadka abaartu saamaysay, gaar ahaan miyiga iyo tuulooyinka.

Mas’uuliyiinta shirkadda Golis ayaa sheegay in shirkaddu ay mar walba ka go’an tahay inay garab istaagto bulshada Soomaaliyeed marka ay jiraan xaalado adag sida abaaraha, fatahaadaha, ama xaaladaha kale ee bani’aadantinimo.

Guddiga gurmadka abaaraha ee Puntland ayaa dhankooda uga mahadceliyay shirkadda Golis taageerada ay bixisay, iyagoo sheegay in lacagtaasi wax weyn ka tari doonto dadaallada lagu badbaadinayo nolosha dadka iyo xoolaha ay abaartu saameysay.