Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warantay in shirkadda Microsoft ay shaqada ka ceyrisay Injineerkii Software-ka Ibtihal Abu Al-Saad oo kasoo jeeda dalka Marooko iyo saaxiibteed Vania Agrawal ka dib markii ay ka dhiidhiyeen habka ay shirkaddu u siisay Israa’iil, nidaamka macmalka ah ee AI-ga, kuwaas oo loo adeegsado xasuuqa Falastiiniyiinta ee Marinka Qasa.

Wakaalada wararka ee Associated Press ayaa sheegtay fiidnimadii Isniinta in Microsoft ay shaqada ka eriday labadan shaqaale ka dib markii ay mudaaharaad sameeyeen intii lagu guda jiray xuska sanadguurada 50aad ee shirkada, Jimcihii hore, taas oo uu ka qayb galay aasaasaha Microsoft, Bill Gates.
Wakaalada ayaa sheegtay in Microsoft aysan isla markiiba ka jawaabin codsi ku saabsan warkan.
Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegtay in Ibtihaal Abu Al-Saad uu Isniintii ku wargeliyey wakiil ka socday waaxda shaqaalaha ee Microsoft, in si degdeg ah shaqada looga joojinayo shaqadeedii shirkadda.
Saaxiibteed, Vania Agrawal, oo Hindi-Maraykan ah, ayaa lagu ogeysiiyay email ahaan joojinta shaqadeeda shirkadda.
Horseed Media