Shirkii aaya-katashiga ee ka socdey Kismaayo oo war-murtiyeed laga soo saaray.

20 December, 2025

Shirkii aayakatashiga Soomaaliya oo ay Kismaayo isugu yimaadeen madaxda Puntland, Jubbaland iyo madasha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa…

Shirkii aayakatashiga Soomaaliya oo ay Kismaayo isugu yimaadeen madaxda Puntland, Jubbaland iyo madasha siyaasiyiinta mucaaradka ayaa caawa la soo afmeeray iyadoo laga soo saaray qodobo dhawr ah.

“Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Sheekh in uu muddo bil gudaheed ah oo ku eg 20ka January 2026 isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee Dalka si looga heshiiyo doorasho xilligeeda ku dhacda oo waafaqsan mabaadii’da ku xusan qodobka 5aad.”

Haddaba markii uu shirku dhagaystay, kana xaajooday xaaladda dalku ku sugan yahay iyo halista siyaasadeed, amni iyo dhaqaale wuxuu go’aansaday:

1- In shirweynuhu uu mudnaanta koowaad siinayaa  midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, kana hortagayo wax kasta oo dhaawacaya midnimada Dalka iyo dadka.

2- In meel looga soo wada jeesto, la iskana kaashado sidii dalka looga badbaadin lahaa firaaq dastuuri ah, hubanti la’aan siyaasadeed iyo halista cadowga argagaxisada ee Al-Shabaab iyo Daacish.

3- In heshiiska bulsho ee dowlada dhiska Soomaaliya uu saldhig u yahay dastuurka kumeel gaarka ah ee 2012-kii, wax ka bedelka halka dhinac ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ku sameeyey dastuurkana uu yahay waxba kama jiraan, ujeedkiisuna yahay mid guracan oo lagu kala geynayo ummadda Soomaaliyeed.

4- Shirweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqayaa in muddo xilleedka Goleyaasha Baarlamaanka uu ku egyahay 14ka April 2026, halka uu kan Madaxweynuhu ku egyahay 15ka May 2026. Shirweynuhu marna ma aqbalayo wax muddo kordhin ah ee hay’adaha dastuuriga ah, maadaama ay abuurayso xasilooni darro siyaasadeed, firaaq dastuuri ah iyo qalalaase amni.

5- Shirweynuhu wuxuu diyaar u yahay in uu Madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoodo sidii dalka looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, daahfuran, ka horumarsan doorashadii 2022, hufan, xoojinaysa matelaadda degaanada iyo sharciyadda Xildhibaanka, guddiga doorashaduna uu noqdo mid heshiis lagu yahay, kuna qabsoonta xilligeeda.

6- Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweyne Xasan Sheekh in uu muddo bil gudaheed ah oo ku eg 20ka January 2026 isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee dalka si looga heshiiyo doorasho xilligeeda ku dhacda oo waafaqsan mabaadii’da ku xusan qodobka 5aad.

7- Shirweynuhu wuxuu isku raacay in haddii Madaxweynuhu iska dhegatiro baaqa kor ku xusan uu Golaha Mustaqbalka gudagalo sidii loo qaban lahaa doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagaxisada.

8- Shirweynuhu wuxuu u arkaa doorashada ka socota Gobalka Banaadir in ay tahay doorasho hal koox wadato, laguna kala qaybinayo shacabka gobalka Banaadir, xaqoodana lagu duudsiinayo maadaama aan heshiis laga ahayn maqaamka caasimadda, taasina ay hareer marsan tahay Dastuurka kumeel gaarka ah iyo Qawaaniinta kale ee dalka.

9- Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodii dhaafay inay qabtaan doorashooyinka hay’adahooda dastuuriga ah si waafaqsan dastuurada iyo xeerarka doorasho ee u degsan.

10- Shirweynuhu wuxuu la dareen yahay dadka danyarta ah ee la barakiciyey, looguna awood sheegtay ciidankii dalka, wuxuuna cambaareenayaa Madaxda dowlada Federaalka ee ciidamada amniga u adeegsanaya barakicinta dadka danyarta ah halkii ay ka daryeeli lahaayeen. Shirweynuhu wuxuu ugu  baaqayaa Madaxda Dowlada Federaalku in ay si deg deg ah u joojiyaan barakicinta shacabka, xaraashka iyo boobka hantida Qaranka.

11- Shirweynuhu wuxuu ka digayaa caburinta iyo xad gudubka joogtada ah ee Dowlada Federaalka ay ku hayso saxaafadda madaxda bannaan iyo ururada bulshada rayidka ah. Sidoo kalena la joojiyo Jaamacadaha iyo iskuulaadka lagu qasbayo in ay ka qaybgalaan doorashada kooxda Madaxweynaha ka wado qaybo kamid ah Gobalka Banaadir. Waxaa kaloo shirweynuhu dalbanayaa in la joojiyo siyaasadeynta duulimaadyada rayidka ah iyo adeegyada socdaalka.

12- Shirweynuhu wuxuu bogaadinayaa Ciidamada kala duwan ee Soomaaliyeed ee naftooda u huraya difaaca dalka, furimahana kula dagaalamaya cadowga argagaxisada Al-Shabaab iyo Daacish.

13- Shirweynuhu wuxuu garawsanyahay dhibaatooyinka siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo bini’aadamnimo ee ay shacabka Soomaaliyeed wajahayaan, wuxuu kaloo walwal ka qabaa cadaadiska iyo faquuqa lagu beegsanayo shacabka Soomaaliyeed ee qurbaha iyo kuwa maalgashaday dalalka Shisheeye. Haddaba, Shirweynuhu wuxuu Golaha Mustaqbalka u soo jeedinayaa in ay masuuliyad iyo xil iska saaraan, waddo kastana u maraan in shacabka Soomaaliyeed ay helaan mustaqbal wanaagsan. Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay ku baraarugaan xaaladda adag ee Dalka iyo dadkuba marayo, Golaha Mustaqbalkana ku garabsiiyaan sidii looga miradhalin lahaa dadaalada wax ku oolka ah ee Dalka lagu samatabixinayo.

14- Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa Dowlada Federaalka ah, iyo dowladaha xubnaha ka ah, Culimada, Ganacsatada, Jaaliyaddaha iyo hay’adaha samafalka ka shaqeeya in ay gurmad deg deg ah la gaaraan dadka ay sida ba’an u saameysay abaaraha ka jira dalka.

15- Shirweynuhu wuxuu Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya uga mahad celinayaa taageerada baaxadda leh ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed. Waxaana sidoo kale lagu dhiirigalinayaa in ay qayb ka qaataan dadaalada loogu jiro qabsoomidda doorasho lays la ogol yahay oo waqtigeeda ku dhacda.

16- Shirweynuhu wuxuu Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uga mahad celinayaa talada iyo meel marinta qabsoomidda Shirweynaha aayo-katashiga Kismaayo.

17- Ugu dambeyntii, Shirweynuhu wuxuu uga mahad celinayaa Dowladda iyo Shacabka Jubaland soo dhaweynta iyo martigelinta aadka u heer sarreysa ee ay u fidyeen Martida iyo qabsoomidda Shirweynaha.