Maamulka gobolka Bari, Taliska qaybta booliska gobolka Bari iyo Mas’uuliyiinta degmada Boosaaso ayaa yeeshay kulan looga…

Maamulka gobolka Bari, Taliska qaybta booliska gobolka Bari iyo Mas’uuliyiinta degmada Boosaaso ayaa yeeshay kulan looga hadlayey ammaanka magaalada Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari.
Kulanka ayaa muddadii uu socdey lagu gorfeeyey xaaladda ammaan ee gobolka Bari, wada shaqaynta bulshada iyo laamaha ammaanka iyo sidii loola shaqayn lahaa ciidanka difaaca Puntland ee kujira hawlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish.
Qodobada ka soo baxay shirka ammaanka gobolka Bari ee ka qabsoomay magaalada Boosaaso ayaa waxaa kamid ahaa:
- 1- In dhammaan ciidamadu ay ku ekaadaan goobohooda shaqada.
- 2:- Inaysan magaalada hub iyo gaadiid dagaal la soo geli karin ciidanka aan kujirin shaqooyinka loo igmaday ee laysla ogyahay.
Ugu dambayntiina Mas’uuliyiinta ka qaybgalay shirka ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari inay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka lana soo wadaagaan waxkasta oo sababi kara falal ammaan xumo.



