Shirkii dhammaystirka Maamulka SSC KHATUMO ee ka socdey magaalada Laascaanood maalmihii la soo dhaafay ayaa lagu…

Shirkii dhammaystirka Maamulka SSC KHATUMO ee ka socdey magaalada Laascaanood maalmihii la soo dhaafay ayaa lagu wadaa inuu maanta si rasmi ah u soo gabagaboobo, iyadoo la filayo in laga soo saaro qodobo muhiim ah oo lagu dhisayo hay’adaha maamulka.
Xogo hordhac ah ayaa sheegaya in beelaha deggan gobolka Sanaag la siiyey 38 xildhibaan, qaybintaasi ayaa dhalisay falcelin kala duwan oo ku saabsan cadaaladda iyo metelaadda beelaha deegaanka wada dega.
Dhanka kalena, waxaa la hadal hayaa in saaka shirka la keenay magac cusub oo ah “SSC-Maakhir”, taas oo dad badan ku tilmaameen in ay tahay summad ku kooban laba beelood.
Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Somalia ayaa doonaysa in shirka la soo afmeero xilli ay sii kordhayaan tirada beelaha ka soo horjeeda hanaanka awood qaybsiga dowladda dhalan doonta.



