Shirkii dhammaystirka maamulka SSC KHATUMO oo maanta baaqday.

10 July, 2025

Shirkii dhammaystirka dhismaha maamulka SSC KHATUMO oo loo madlanaa inuu maanta ka furmo Magaalada Laascaanood ee…

Shirkii dhammaystirka dhismaha maamulka SSC KHATUMO oo loo madlanaa inuu maanta ka furmo Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa dib loo dhigay ilaa bilowga todobaadka dambe.

Shirkaan oo ay ka qaybgeli lahaayeen ergooyin kala duwan ayaa wararku sheegayaan in dib loo dhigay ilaa maalinimada Sabtida ee 12-ka July, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka agdhaw guddiga qaban qaabada.

Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya baajinta shirka, iyadoo xubnaha qaban qaabada qaar sheegen in ergooyinku aysan maanta soo dhammaan maalinimada berri ahna ay ku aadan tahay Jumce, halka warar kale sheegayaan inay saamayn ku yeesheen musharixiinta mucaaradka oo diidan qaabka wax u socdaan.

Qaar kamid ah isimada dhaqanka deegaamada SSC KHATUMO ayaa saacadihii la soo dhaafay ku hawlanaa sidii laysugu soo dhaweyn lahaa kala aragti duwanaanta mucaaradka iyo hoggaanka maamulka oo la garab ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya.