Shirkii dhammaystirka Maamulka SSC KHATUMO oo markale baaqday.

12 July, 2025

Shir-weynihii dhammaystirka dhismaha maamulka SSC KHATUMO ayaa markale maanta baaqday kadib khilaaf ka dhashay cidda ka…

Shir-weynihii dhammaystirka dhismaha maamulka SSC KHATUMO ayaa markale maanta baaqday kadib khilaaf ka dhashay cidda ka qaybgelaysa iyo hanaanka ay u maamulayso DFS.

Guddiga qaban qaabada ayaa sheegay in maalinimada berri ah uu shirku furmi doono, isla markaana muddo 24 saac ah lagu dhammaystiri doono dhammaan qodobada dhimman.

Qaar kamid ah isimada dhaqanka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Magaalada Laascaanood ayaa ka horyimid habmaamulka shirka, cidda ka qaybgelaysa iyo saamaynta siyaasadeed ee DFS ku yeelatay arrimaha SSC KHATUMO.