Shirkii Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka furmay Villa Somalia.

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shir u dhexeeya Madaxda dowladda federalka ah…

19 February, 2026

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay shir u dhexeeya Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia iyo golaha mustaqbalka Soomaaliyeed.

Shirkaan oo uu gogoshiisa dhigay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qaybgelaya RW Xamse, ku-xigeenkiisa, Madaxda Puntland iyo Jubbaland, Madax hore, xubno katirsan golayaasha dowladda Somalia & siyaasiyiin katirsan golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Shirkaan ayaa looga arrinsanayaa xaaladda guud ee ay marayso Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo siweyn loogu kala dheeraaday sanadihii ugu dambeeyey iyo waxka-beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia.