Shirkii golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo awaamiir laga soo saaray.

25 June, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Puntland,…

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Puntland, kaas oo ay ka qeybgaleen Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, iyo xubnaha Golaha Wasiirrada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga guud ee Puntland, iyadoo Golaha Wasiirrada la horgeeyay warbixinno ku saabsan xaaladda amniga gudaha iyo xuduudaha. Wasaaradda Amniga iyo hay’adaha kale ee amniga ayaa Golaha uga warbixiyay xaaladda guud iyo howlaha lagu xoojinayo nabadgelyada deegaannada Puntland.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa dhegeystay warbixin rasmi ah oo ay soo gudbisay Guddiga Dib-u-habaynta Shaqaalaha Dowladda Puntland. Guddigu wuxuu faahfaahin ka bixiyay shaqooyinka uu muddada dheer soo waday iyo horumarka laga gaaray qorshaha dib-u-habaynta shaqaalaha dowladda.

Dhinaca kale, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan munaasabaddii Maalinta Olombikada Soomaaliyeed ee dhawaan lagu qabtay magaalada Garoowe. Wasaaraddu waxay sharaxday ujeeddooyinka munaasabadda iyo kaalinta ay ka qaadatay dhiirrigelinta dhalinyarada iyo horumarinta ciyaaraha.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa ku soo dhammaaday is-xogwaraysi iyo falanqayn ku saabsan arrimaha mudnaanta u leh dowladda, gaar ahaan amniga, maamulka shaqaalaha iyo horumarinta dhalinyarada iyo ciyaaraha. Golaha ayaa adkeeyay sii wadista dadaallada lagu xoojinayo adeegyada dowladda iyo amniga shacabka Puntland.