Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada oo…

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada oo todobaadkan looga hadlay.
Shirka ayaa muddadii uu socdey siweyn diiradda loogu saaray arrimo quseeya ammaanka Puntland, xaaladaha siyaasadda Soomaaliya iyo arrimo kale.
• Xaaladda Guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda.
• Amniga Guud, Difaaca iyo Midnimada Puntland.
• Dardar-gelinta Shaqooyinka Hay’adaha Dowladda iyo horumarinta adeegga Dowladnimo ee loo hayo bulshada.
• Tababarka iyo Kor-u-qaadista Aqoonta Agaasimayaasha Guud iyo Agaasime-waaxeedyada Dowladda.



