Shirkii horumarinta gobolka Mudug oo war-murtiyeed laga soo saaray.

1 August, 2025

Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maanta gelinkii dambe lagu soo gaba-gabeeyey shirweynaha horumarinta gobolka…

Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maanta gelinkii dambe lagu soo gaba-gabeeyey shirweynaha horumarinta gobolka Mudug, oo ay ka qaybgaleen Madax dowladeed, isimada dhaqanka, ganacsato, siyaasiyiin iyo qaybaha kale ee bulshada.

Shirka oo socdey muddo laba maalmood ah ayaa siweyn ugu gorfeeyey baahiyaha horumarineed ee gobolka, ammaanka, maalgashiga, wadashaqaynta bulshada iyo dowladda & arrimo kale.

Shirka ayaa isku raacay taageerada dagaalka xagjirka, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka Mudug, sida garoonka diyaaradaha, waddooyinka iyo horumarinta dekedda Garacad oo ahayd tacab ay bulshada gobolka hormuud u ahaayeen.

Shirka ayaa sidoo kale, soo jeediyey gungaar rasmi ah oo lagu sameeyo mashruuca laamiga Xarfo ilaa Galkacyo oo laysku raacay in guddi gaar ah oo madax banaan loo saaro baaritaankiisa.