Xarunta Madaxtooyada Somalia ee Villa Somalia waxaa maanta gelinkii dambe ka furmay shir u dhexeeya Madaxda…

Xarunta Madaxtooyada Somalia ee Villa Somalia waxaa maanta gelinkii dambe ka furmay shir u dhexeeya Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia, kuwa dowlad goboleedyada qaar iyo maamulka gobolka Banaadir.
Shirkaan oo ay horay u iclaamisay madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, RW Xamse, ku-xigeenkiisa, madaxda maamulada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, SSC KHATUMO iyo maamulka gobolka Banaadir, iyadoo diiradda lagu saari doono arrimaha ammaanka dalka, dagaalka Alshabaab iyo arrimaha siyaasadda.
Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa ka maqan shirka, waxaana ay caddeeyeen inaysan ka qaybgeli doonin inta laga helayo hanaan isku dheelitiran, dibna looga laabanayo waxka bedelka ay sharci darrada ku tilmaameen ee arrimaha dastuurka KMG ee dalka.