Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran oo Markale Baaqday.

5 May, 2025

Waxaa dibu-dhac ku yimid shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee maanta lafilayey inuu madaxda dowladda federalka ah…

Waxaa dibu-dhac ku yimid shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee maanta lafilayey inuu madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada uga furmo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Ilo wareedyo katirsan Madaxtooyada Somalia ayaa HM u xaqiijiyey inuu shirku u baaqday sababo farsamo, maadaama weli la sugayo inay Muqdisho soo galaan madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ka dib dhacay xilligii casumaadda.

Guud ahaanba waxaa shirka ka baaqday isla markaana aan ka qaybgeli doonin Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo sheegay inuu ku taagan yahay mawqifkiisii hore iyo madaxweynaha Jubbaland oo ay madaxda DFS sheegeen inaysa aqoonsanayn dib u doorashadiisii.

Hoggaamiyaha maamulka SSC KHATUMO oo dhowaan DFS ku casuntey shirka ayaa maalinkii saddexaad ku sugan Muqdisho, waxaana jira cadaadis ay wadaan wakiilada beesha caalamka oo doonaya shir loo dhanyahay iyo go’aamo wadar ogol ah.