Shirkii Madaxda DFS iyo Golaha Mustaqbalka oo maanta baaqday.

20 February, 2026

Shirkii golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia ayaa maanta hakad…

Shirkii golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Somalia ayaa maanta hakad kujira, kadib markii uu shalay si rasmi ah uga furmay aqalka madaxtooyada ee Villa Somalia.

Shirka oo maalinimadii shalay u badnaa gogol xaar iyo jeexidda dhabbayaasha qodobada ugu muhiimsan ee miiska saaran ayaa dib u furmi doona Maalinimada beri ee Sabtida ah, sida ay warbaahinta u sheegeen ilo wareedyo ka agdhaw dhinacyada.

Dhinacyada ka qaybgelaya shirka ayaa maanta oo Jimce ah yeelan doona kulamo doceedyo ay kaga hadlayaan xoojinta aragtiyohooda ku aadan arrimaha doorashooyinka iyo waxka-beddelka dastuurka oo ah qodobada ugu waaweyn ee miiska saaran.

Madaxtooyada Somalia ayaa doonaysa meelmarinta dameceeda ku qaadan qabashada doorashooyin dadweyne xilli muddo xileedka madaxda dowladda iyo barlamaanku gabaabsi yahay, ayna golaha Mustaqbalku riixayaan in dalku doorasho aado.