Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu fashilmay wadahadaladii ay la lahaayeen Madaxweynaha…

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu fashilmay wadahadaladii ay la lahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib markii ay sheegeen in wadaxaajoodkii uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay golaha Mustaqbalka ayaa lagu sheegay in la isku mari waayay qodobo asaasi ah oo la xiriira wax ka beddelka Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012 iyo hannaanka doorashooyinka dalka.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho kadib muddo laba toddobaad ah oo uu ku sugnaa hoteel ku yaalla gudaha xerada Xalane, wuxuuna dib ugu laabtay magaalada Kismaayo.





