Shirkii Muqdisho oo markale baaqday iyo MW Xasan oo ku wajahan Itoobiya.

12 February, 2026

Shirkii loo madlanaa ee golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo madaxtooyada Somalia ayaa markale dib u dhacay, xilli…

Shirkii loo madlanaa ee golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo madaxtooyada Somalia ayaa markale dib u dhacay, xilli aysan dhinacyadu weli isku fahmin ajandayaasha qaar iyo goobta rasmiga ah ee shirka lagu qaban doono.

Madaxtooyada Somalia ayaa doonaysa in shirku ka qabsoomi Villada dalka looga arrimiyo halka mucaaradka oo ay ugu horreeyaan Madaxda Puntland iyo Jubbaland ay ka biyo diideen sugnaanta ammaankooda gudaha Magaalada ayna dalbadeen in shirku ka qabsoomo xayndaabka Xalane.

Golaha Mustaqbalka oo xalay shir ku qabtay Muqdisho ayaa ugu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu yimaado miiska wadahadalka ayna ka kaliya doonayaan in dhabbe loo furo doorashooyinka dalka ee May 2026.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo horay gogoshaan u soo jeediyey ayaa dedaal ku bixinaya inaysan taladu gacantiisa ka bixin, wuxuuna ku wajahan yahay Addis Ababa oo uu kaga qaybgelayo shirka Midawga Africa.