Guddiga farsamada shirka Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo lafilayey inuu…

Guddiga farsamada shirka Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia iyo golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo lafilayey inuu maanta gelinka dambe ka furmo Muqdisho, ayaa dib u dhigay daahfurka shirka Ilaa maalinimada Talaadada ee saddexda Febraayo.
Guddiga ayaa qorsheeyey in Maalinnimada Isniinta ah ay Muqdisho gaaraan Madaxweynayaasha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kuwaas oo door weyn ku leh wadahadallada ka furmaya Muqdisho.
Shirka ayaa ka dhici doona Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, kadib markii madaxda Puntland, Jubbaland iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradku walaac ka muujiyeen ammaankooda aqalka Madaxtooyada ee Muqdisho.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safar deg deg ah ugu baxay Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, isagoo xerada Xorgoble tababar ugu soo xiri doona cutubyo katirsan ciidanka booliska Puntland.



