Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland, Mudane Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta si rasmi…

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland, Mudane Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland (ALGAPL), kaasi oo ay ku mideysanyihiin degmooyinka Puntland ayna kasoo qeybgaleen guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo masuuliyiin kale.
Shirka ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka Ururka mudadii uu jiray, fursadaha uu hayo iyo caqabadaha hor taagan, iyadoo lagu falanqeeyay sida loo xoojin karo nidaamka dowladaha hoose.
Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa bogaadiyay shirweynaha, isaga oo ku dhiirrigeliyay in dib u eegis lagu sameeyo shuruucda Ururka si loo hubiyo inuu noqdo hay’ad muddo dheer sii shaqayn karta isla markaana door muuqda ka qaadata horumarinta nidaamka dowladnimo ee Puntland.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Cali Faarax Farmiyeeri, iyo masuuliyiin kale.




