Shirweynaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa gelinkii dambe ee maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo,…

Shirweynaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa gelinkii dambe ee maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo, oo ah xarunta maamulka Jubaland. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay hoggaamiyeyaal mucaarad ah, madax ka kala socota maamullada Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiin kale oo caan ah, kuwaas oo isugu yimid ka arrinsiga xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Furitaanka shirka ayaa diiradda lagu saaray aayaha iyo mustaqbalka Soomaaliya, iyada oo laga hadlay xaaladda guud ee siyaasadda, amniga iyo hannaanka doorashooyinka. Waxaa la filayaa in shirkan laga soo saaro go’aanno waaweyn, maadaama ay muddo kooban ka harsan tahay dhammaadka xilka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale qorsheynaya in uu ku dhawaaqo hoggaanka cusub ee madasha, iyadoo la filayo in wejigan shirweynaha laga doorto hoggaamiyeyaal cusub. Magacyada la hadal hayo waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Ajendaha shirkan ayaa sidoo kale waxaa ku jira arrimaha doorashooyinka, iyadoo Golaha Mustaqbalka uu si cad uga soo horjeestay qorshaha dowladda federaalka ee doorashooyinka qof iyo cod. Golaha ayaa walaac ka muujiyay wax ka beddelka dastuurka iyo arrimaha muddo-kordhinta, iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan difaaca mustaqbalka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.



