Shirweynaha Qiimaynta Puntland ee 2026 oo Garoowe ka furmay.

Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa daah-furay shirka Toddobaadka Qiimeynta Puntland…

14 September, 2026

Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa daah-furay shirka Toddobaadka Qiimeynta Puntland (Puntland Evaluation Week 2026) oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland.

Shirkaan oo hal ku dhiggiisu yahay “horumar ku dhisan xog sugan, qiimayn saxan iyo isla xisaabtan “ waxaa looga hadlayaa xoojinta qiimeyn ku saleysan xog iyo caddeymo, barashada, isla-xisaabtanka iyo dar-darginta barnaamijyada iyo mashaariicda horumarineed ee Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland dadaalka ay galiyay diyaarinta iyo qabashada Todobaadka Qiimaynta Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in go’aannada siyaasadeed iyo kuwa horumarineed lagu saleeyo xog sugan, qiimayn hufan iyo caddaymo la isku hallayn karo, si loo xaqiijiyo in qorshayaasha iyo barnaamijyada dowladda ay hab wax ku ool ah uga jawaabaan baahiyaha bulshada.