Shirweynaha u qareemidda bacaad-celinta Puntland oo Garoowe laga daahfuray.

9 November, 2025

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta daah-furay Shirweynaha…

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta daah-furay Shirweynaha u qareemida wacyigelinta iyo la-tacaalidda Bacaadka ku faafaya deegaannada Puntland.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, ayaa lagu soo bandhigay warbixino Muqaal iyo Qoraal ah kuwaasi oo ku saabsan xaaladda deegaannada uu saameeyay Bacaadka faafaya oo magaalooyin ku habsaday taasi oo muujinaysa sida uu Bacaadku khatar ugu yahay deegaannadeena.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey Shirka, wuxuuna muujiyay in ay tani tahay musiibo deegaan oo u baahan in laga wada shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa , isagoo soo dhoweeyay qorshaha iyo soojeedimaha Wasaaradda Deegaanka ee arrintan ku aadan.