Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa maanta furay Shirweynaha maalgelinta Caafimaadka ee Puntland…

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa maanta furay Shirweynaha maalgelinta Caafimaadka ee Puntland oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka, isla markaasina ay kawada qeybgalayaan dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida heerarka kala duwan ee Hay’adaha Dowladda Puntland , Wakiillada ka socda Hay’adaha Caalamiga ee arrimaha Caafimaadka, Ganacsatada , Qurbojoogta iyo Bulshada.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa la wadaagay madasha in Shirkan uu wax badan kusoo kordhinayo Siyaadda Dowladda ee horumarinta Caafimaadka iyo in dadka adeega caafimaad lawada gaarsiiyo, wuxuuna ku boggaadiyey Wasaaradda Caafimaadka qabashada Shirka maalgelinta caafimaadka, oo loo baahanyahay in dhammaan laga wada qeyb qaato maadaama uu Caafimaadku muhiim u yahay bulshada.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ugu baaqay Ganacsatada , qurbo joogta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in xoogga la saaro maalgelinta adeegyada caafimaad weliba si horumarsan, maadaama Wasaaraddu ay soo bandhigtay oo kala shaqeynayso, wuxuu u mahadceliyay ganacsatada xarumaha caafimaad ee gaarka ah hore uga hirgeliyay Puntland kuwaasi oo muujiyay dadaal bulsho.
Shirka oo socon doonna muddo labo maalmood ah waxaa lagu soo bandhigay horumarada dhinaca Caafimaadka laga sameeyay iyo shaqooyinka socda, sidoo kale waxaa lala wadaagay ka qeybgalayaasha soojeedimaha maalgelinta Caafimaadka Puntland, waana qorshe lagu hirgelinayo Adeeg Caafimaad oo casri ah oo looga maarmo dalka dibeddisa .






